Somalia: Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Madaxa Jaamacadda Carabt

482

Muqdisho, May 06, 2017 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta si rasmi ah u sagootiyay Madaxa Ergada Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdalla Idriis oo muddo xileedkiisa shaqo ay ka idlaatay.

Xafladda oo qado sharaf aheyd, laguna sagootinayay Ambassador Mohamed Abdalla Idris ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirrada dalalka carbeed iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Turkey ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa bogaadiyay howlqabadkii Danjire Idris iyo kaalinta Jaamacadda Carabta ay ka qaadatay iskuduwidda taageerada Carbeed ee Soomaaliya.

Mudane, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr ayaa muujiyay baahida dowladdiisu u qabto xoojinta iyo dardargelinta dadaalada Jaamacadda Carabta ay ku dooneyso in dhammaan dalalka carbeed ay dib uga furtaan Safaaradihii ay Caasimadda Muqdisho ku lahaayeen muddo 26 sano kahor.

Xafladda sagootinta oo ku dhacday jawi heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Ambassador Ali Mohamed Ali, Agaasimeyeyaasha iyo saraakiisha Waaxyaha Carabta iyo Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

 Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi a
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Madaxa Ergada Ururka Jaamacadda Carabta
 Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.