Ma dhabaa in Real Madrid ay Liverpool ku celisay dalab €50m ahaa oo ay kasoo gudbisay Assensio?

975

Wargeyska Madrid kasoo baxa ee AS aya daabacay in Real Madrid ay kooxda Liverpool ka diiday dalab €50m ahaa oo ay kasoo gudbiyeen xidiga da’da yar Marco Assensio kaasoo xili ciyaareedkan wacdaro ka dhigaya Real Madrid.

Marco Asensio ayaa dhowr ciyaarood kusoo bilaawday safaka 1-aad ee MADRID xili ciyaareedkan, waxaana uu si aad ah usoo jiitay macalin Zidane kaasoo dhowr mar ka door biday xidigo waaweyn sida James iyo Isco.

Real oo u aragta Assensio raasumaal maguuraan ah ayaa marnaba ogolaan doonin ineey iibiso.

Assensio ayaa lagu xasuustaa Goolkii quruxda badnaa ee uu isbuucaan ka dhaliyay BAYERN Munich.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.