Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga: Real oo iibineysa Bale & Ronaldo

1113

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa ku fakaraya inuu u dhaqaaqo saxiixa weerayahanka reer Brazil Neymar Junior. Real Madrid iyo United ayaana u diyaar ah iney jabiyaan rikoorka 25-jirkaan heerka caalami. (Diario Gol)

Manchester United ayaa sare u qaadeysa hamigooda Romelu Lukakuoo 23-jir ah iyo weeraryahanka Torio Andrea Belotti oo 23-jir ah si ay badal ugu noqdaan Zlatan Ibrahimovic oo ay macquul inuu ka tago Old Trafford. (Manchester Evening News).

Tababarahii hore xulka qaranka Belgium Georges Leekens ayaa shaaca ka qaaday in Romelu Lukaku uu diyaar u yahay inuu koox weyn u dhaqaaqo. (Mirror)

Real Madrid ayaa iibinysa Cristiano Ronaldo oo 32-jir ah ama Gareth Bale oo 27-jir ah xagaagan, iyadoo Perez iyo Zidane aysan la dhacin hanaanka ay soo bandhigeen dhawaanahaan. (Don Balon).

Diego Costa ayaan dooneyn inuu isaga tago Chelsea xagaagan, balse wuxuu sheegay inuusan ku faraxsaneyn nolosha London. (SFR Sport).

Juventus ayaa ku dhaw iney si rasmi ah ula wareegto xiddiga ay amaahda Chelsea kaga heysato ee Juan Cuadrado kaas oo 28-jir ah, waxeyna kula wareegeysaa 21.4 Malyan oo Pound. (Calciomercato).

Chelsea ayaa xiiseyneysa saxiixa Pepe oo 34-jir ah kaas oo heshiikiisa Real Madrid uu dhamaanayo dhamaadka xagaagan. (Marca).

Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday in Swansea City ay weydiisatay inuu u ciyaaro ka hor inta uusan ku dhawaaqin hawlgabnimadiisa. (Sky Sports).

Kabtanka Sergio Ramos ayaa kusoo dhaweyn lahaa Bernabeu Griezmann hadii u go’aansado inuu kusoo biiro Real Madrid 2018. (Daily Express)

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.