5 Laacib oo Arsenal Ka Caawin Kara Hanashada Horyaalka

1969

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa isha ku haya sidii uu u xoojin lahaa khadka dhexe ee kooxda maalmaha yar ee ka dhiman xiritaanka suuqa kala iibsiga bishan.

Arsenal ayaa xagaagii hore wayday 3 xiddig oo waaweyn oo ka xamaalan jiray khadka dhexe inkasta oo ay qaar kale la soo saxiixatay.

Gunners ayaa fasaxday xiddigaha Mikel Arteta, Mathieu Flamini iyo Tomas Rosicky oo dhamaantood si xor ah uga tagay kooxda xagaagii dhowaa.

Kooxda Tababare Wenger ayaa la soo saxiixatay xiddigaha Granit Xhaka iyo Mohamed Elneny laakiin Gunners ayaa labadan xiddig waayi doonta kulamada soo socda.

Arsenal ayaa Mohamed Elneny u waayi doonta kulamo aan la hubin maadama uu xulka qarankiisa Masar kala qayb qaadanayo tartanka koobka Africa Halka ay xiddigeeda Granit Xhaka waayi doonto 4 kulan kadib ganaax uu kala kulamay FA-ga kadib 2 casaan oo uu qaatay xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxan Warbixintan ku eegi doonaa 4 Xiddig oo khadka Dhexe ah oo ay Arsenal la soo saxiixan karto maalamah ka harsan suuqa”

1.Grzegorz Krychowiak:

Xiddigan reer Poland ayaa lala xiriirinayay kooxda Arsenal wakhtigiisii kooxda Sevilla isaga oo halkaas ku qaatay kuna soo bandhigay qaab ciyaareed aad loola dhacay laakiin xiddigan ayaa ku guuldaraystay in uu isku muujiyo kooxda PSG.

Krychowiak oo aan haatan boos joogto ah ka haysan ayaa ah dookh fiican oo kooxda Arsenal ka caawin kara in ay ka seexato booska khadka dhexe.

Warar soo baxaya maalmahan ayaa sheegaya in xiddigan la heli karo iyada oo ay kooxda PSG suuqa soo dhigtay kadib markii ay heshay xiddiga khadka dhexe ee Julian Draxler.

2.Danilo Pereira:

Xiddiga reer Portugal ayaa in badan bartilmaameed u ahaa kooxda Arsenal kadib qaab ciyaareed heer sare ah oo uu xiddigani ku soo bandhigay kooxdiisa FC Porto.

25 jirkan oo xulka qarankiisa portugal ka caawiyay in uu ku guulaysto tartankii Euro 2016 ayaa isna lala xiriiriyaa kooxda Arsenal xilli ay dhawaan daawadayaal u direen si ay ula socdaa qaab ciyaareedka xiddigan.

3.Saul Niguez:

Xiddigan oo bilihii ugu dambeeyay si xoogan loola xiriirinayay horyaalka premier league ayaa ah xiddiga kale oo wax weyn uga qaban kara khadka dhexe kooxda Arsenal xilli xiddigan ku jiro xilli ciyaareed aad loola dhacay.

Laakiin Gunners ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxda man United oo xiddigan bartilmaameed ka dhigatay tan iyo markii uu Mourinho la wareegay kooxda cas-caska.

4.Miralem Pjanic:

Xiddigan ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican horyaalka Italy isaga oo xiddigani qaab ciyaareed indho qabatay leh ku soo bandhigay wakhtigiisii Roma.

Xiddigan ayaan kooxda Juventus ku soo bandhigin qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay xilli uu buuxin kari waayay booskii uu baneeyay xiddiga man United ee Poul Pogba.

Laakiin xiddigan ayaa kooxda Arsenal ka dhigi kara koox laga baqo khadkeeda dhexe marka laga garab ciyaarsiiyo xiddiga OZIL.

5.Steven N’Zonzi:

Xiddigan reer France oo horay uga soo ciyaaray horyaalka Premier league ayaa kooxda Sevilla ka caawiyay in ay ku guulaysto koobka Eurpe league.

Xiddigan ayaa sidoo kale Arsenal ka caawin kara in uu khadkeeda dhexe noqdo mid bir ah marka loo eego qaab ciyaareedkiisa iyo awoodiisa badan ee uu isticmaalo.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.