Xiriirka Immaaraadka iyo Soomaaliya oo xoogeestay tan iyo 2011-dii

401
M/weyne Xasan & dhaxal sugaha Imaaraadka oo kulmay
M/weyne Xasan & dhaxal sugaha Imaaraadka oo kulmay

Dowladda immaaaraadka carabta ayaa ugu horreysa waddamada sidda u dhow saaxibka ula ah Soomaaliya.

Xiriirka imaaraadka carabta ayaa xoogeestay tan iyo sannadkii 2011-ka xilligaas oo abaaro ba’an ay ka dilaaceen qeybo badan oo ka mid ah goballada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Immaaraadka ayaa doorweyn ku lahaa ugurmashada dadka abaaraha ay saameeyeen, kuwaasoo soo ciirsaday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxa ay siiyeen cunto, biyo dhadiif ah, dawwo iyo agab kale oo wax taraya.

immaaraadka waxaa kaloo uu noqday dalkii ugu horreeyay ee carbeed oo safaarad si rasmi ah uga furto Muqdisho tiiyo waddamada Carabta sidda Sudan, Yemen, iyo Sacuudiga ay qunsiliyad ka furteen Muqdisho.

Goorma ayuu si rasmi ah u billowday xiriirka labada waddan?

Imaaraadka iyo DF oo Muqdisho heshis taariikhi ah ku kala saxiixday
Imaaraadka iyo DF oo Muqdisho heshis taariikhi ah ku kala saxiixday

Sidda ay lee yihiin dadka la socda arrimahan, xiriirka labada waddan ayaa billowday wixii ka dambeeyay sannadkii 2012-ka xilligaas oo dalka Soomaaliya uu yeeshay dowlad rasmi ah oo dunidda ay aqoonsan tahay.

Immaaraadka waxay billaabeen in ay saaxib dhow la noqdaan waddanka Soomaaliya, waxaa dhowr jeer Muqdisho iyo magaalooyin kale oo waddanka tagay madax sare oo ka tirsan dowladda.

Sannadkii 2013-ka waxaa magaalada Dubai heshiis ku  kala saxiixday  wasiirkii horre ee arr imaha dibedda Fowsiyo Yuusuf iyo dhiggeeda waddankaas, waxaana heshiiskaas uu ku saleesnaa dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Diblumaasiyada, Xiriirka Ganacsiga iyo Horumainta, siddaas waxaa qoray Wargeyska Itixaad cadadkiisii (13784) .

Doorka ciidamada:

MG_8348

Immaaraadka intaas kuma kobneen, waxay doorweyn ka qaateen dib u dhiska ciidamada qaranka Soomaaliya oo dagaallo kula jirra Al-Shabaab, waxay xarumo millitari ka dhiseen magaalooyinka waddanka kuwaasoo lagu tababbaro ciidamada dowladda.

Waxay qalab iyo agab kale ay siiyeen ciidamada dowladda kuwaasoo hadda ku shaqeeya, arrintaasna waxay xoojisay xiriirka labada waddan.

Doorka siyaasadda

imaaraadka iyo smalia

Dowladda immaaraadka carabta waxay kaloo doorweyn ku lahayd shirarka loo qabanaayo Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana  Dubai ka dhacay kulamo looga hadlaayo arrimahaas.

Duulimaad toos ah

diyaarad

Bishii June ee sannadkan 2015-ka Duulimaad toos ah ayaa ka billowday magaalada Hargeysa.

Diyaarada Fly Dubai ayaa markii ugu horreysay duulimaad ka sameeyay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Hargeysa, waxaana tallaabadaas soo dhaweeyay maamulka Somaliland iyo shacabka Soomaalida.

Mushaaraadka ciidamada:

ciidamo

Dowladda Immaaraadka Carabta waxay bishan Okotober ku dhawaaqday in qeyb ka mid ah mushaaraadka ciidamada qaranka Soomaaliya ay bixineyso si loo xoojiyo awooda ciidamada dowladda oo dagaallo kula jirta Al-Shabaab.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Fargeeti iyo danjiraha dowladda immaaraadka u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Axmed Cusmaan Al-Hammadi ayaa heshiiskaas ku kala saxiixday xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Immaaraadka oo dhismooyin Muqdisho ka dhisay

Isbitaalka Zayed Bin Sultan ee Imaaraadka
Isbitaalka Zayed Bin Sultan ee Imaaraadka

Dowladda immaaraadka waxaa kaloo magaalada Muqdisho ka dhiseen xarumo isbitaalo, waxbarasho iyo goobo kale oo muhiim ah kuwaasoo lagu xoojinaayo horrumarka waddanka.

Waxaa Diyaariyay: Bashiir Addow Ahmed

Tel:0703799432