Villa-Somalia talladii dalka waxay ku koobtay cid gaar ah

555
Villa-somalia
Villa-somalia

Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa waxay muujisay sida aynaan diyaarka ugu ahayn inay soo dhaweyso dadka maskaxda caafimaadka leh qaba, ee diyaarka u ah inay dhabo wanaagsan ku jiheeyan dalka, sanadka soo socda.

Madaxda Dowladda iyo Baarlamaanka, ayaa bartamihii sanadkan isu raacay inaanay dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo codki ah (doorasho xalaal ah), loona baahan yahay in dalka ay ka qabsoomto doorasho aan horey kaga dhicin, haddii aan la qaban karin mid hal qo iyo hal cod ah.

Dad badan oo isugu jira rag iyo haweenba oo qalinka u qaatay inay maskaxdooda ka shiilaan, wax ka bedelan doorashooyinkii horey dalka kaga dhacay, sanadka soo socdana looga gudbo habraaca marxaladda kala guurka (xilliga kala guurka), ayaa hindisay qorshayaal macquul ah.

Qays Cismaan Cali oo ka mid ah aqoonyahanada dib dalka ugu soo laabtay, ayaa Madaxtooyada ku eedeeyay inay albaabada ka soo xiratay, ka dib si uu ula wadaago qorshihiisa ku aadan doorasho macquul ah, oo dalka ka dhici karta, isla-markaana uu isagu soo hindisay.

Foos C/qaadir Yaxye oo sidoo kale ka mid ah hablaha Somaliyeed ee dalka dibadiisa wax ku soo bartay, dhawaana ku soo laabatay Magaalada Muqdisho, ayaa Villa Somalia ku dhaliisay in talladii dalka ay isu koobtay cid gaar ah.

Sumaya Daahir Axmed oo ka barbar hadleysay Qays iyo Foos, ayaa sheegtay in dhowr goor ay isaga daba laab laabteen Madaxtooyada, markii dambena loo ogolaaday inay la kulmaan Xoghaynta Madaxweynaha, laakiin nasiib daro loo sheegay inaanay waqtiga isaga lumin arrimaha la xiriira wadadii looga gudbi lahaa sanadka ina soo aadan.

Dadka albaabada Madaxtooyada laga soo xirtay oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa muujiyay Dowladda Somaliya inaanay diyaar u ahayn doorasho ka dhacda dalka, haddii ay taasi dooneysana ay wax uun ka dhageysato dad gaar ah.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa goor sii horeysay Madaxtooyada ku eedeeyay inaanay wax texgelin ah siinin shacabka Somaliyeed, iskaba daaye wax ay ka dhageysato.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa toddobaadkii hore Xukuumadda ugu baaqday in ururada bulshada rayidka iyo dadka kale ee fekerka wanaagsan leh laga qaybgeliyo, waxa laga yeelayo in 2016-ka looga gudbo, marka uu dhammaado waqtiga Dowladda haataan jirta.

Horey waxaa suuqa u soo gashay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu qorsheynayo muddo kororsi laba sano ah oo uu sameeyo, maadaama la wada ogyahay inaysan dalka ka qabsoomi karin doorasho xalaal ah, waayo Al Shabaab oo weli haysata dhul ballaaran.

Dadka badankii, ayaa qaba inaanay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho waxba ka dhageysan dadka wax badan ku soo kordhin kara dalka iyo dadka, taasina ay muujinayso sida talladii dalka, ay isugu soo koobeen shakhsiyaadka ku xeeran Madaxda Dowladda.

Bulshada Somaliyeed, ayaa waxaa ku dhex jira dad uu Alle siiyay maskaxda wanaagsan, ha yeeshee ay nasiib daradu tahay inaanay dadku lahayn Madax wanaagsan, oo diyaar u ah in fekrahahooda ka dhageystan.

Xasan Cabdi Maxamed oo degan Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu dhawaan Dowladda ugu baaqay in la sameeyo xafiis, wax looga dhageysto dadka fekradaha waxtarka leh ku soo kordhin kara Qaranka, laakiin aynaan jirin cid wax ka soo qaaday.

Isha: Universaltv

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.