Somalia: Maraykanka oo Ugandha siiyay diyaarado lagula dagaalamo Al Shabab Daawo

447
Cessna 208B aircraft
NUUCA DIYAARADAHA UU MARAYKANKA SIIYAY DALKA UGANDA

Dowladda Maraykanka ayaa labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ugu deeqay ciidamada dalka Uganda ee howlgalka ay ku joogaan dalka Somalia.

Taliyaha ciidadama difaaca dalka Uganda Gen. Katumba Wamala ayaa maanta ka guddoomay  labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah masuuliyiin ka socday waaxda difaaca dalka Maraykanka.

Munaasabadda dalka Maraykanka ay labada diyaaradood ee nuuca dagaalka ah ay ku guddoonsiinaysay dowladda Uganda ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta ciidamada cirka dalka Uganda ay ku leeyihiin Entebbe ee dalkaas.

Dowladda Maraykanka ayaa ujeedka ay u siisay dalka Uganda diyaaradahaan dagaalka ayaa ah sidii ciidamada dalka Uganda ee howlgalka ku joogo gudaha dalka Somalia ay ula dagaalami lahaayeen kooxda argagixisada ah ee Al SHabaab kuwaas oo weeraro ka geysta dalalka ku yaallo bariga Afrika.

https://www.youtube.com/watch?v=g1L8XXYhAsg

Labadaan diyaaradood ee la siiyay dalka Uganda ayaa imaanayso iyadoo dowladda Uganda ay diyaarado kaga bur bureen dhulka Kenya kuwaas oo kusii jeeday dalka Somalia.

Dalka Uganda ayaa ciidamo ka badan 5 kun ay ka joogaan gudaha dalka Somalia tan iyo sanadkii 2007 kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka midowga Afrika Somalia.

Sidoo kale dalalka Jabuuti,Kenya,Burundi iyo Ethiopia ayaa ciidamo ka joogo dalka Somalia.

FIIRSO VIDEO-GA HOOSE WAA MUNAASABADII WAREEJINTA DIYAARADAHA

 https://www.youtube.com/watch?v=g1L8XXYhAsg

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.