Kenya oo Darbi ka dhiseysa Xuduuda ay la wadaagto Somaliya

421

la_pixDawlada Kenya ayaa waxay sheegtay inay wado qorshe lagu dhisayo Darbi ama Gidaar la doonayo si amaanka Dalkeeda ay u xaqiijiso.

Gudoomiyaha Deegaanka Lamu ninka lagu magacaabo Issa Timamy ayaa sheegay in Darbigaasi laga dhisayo Xuduuda ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Issa inay kaga goleeyihiin Darbigaasi in lala socdo dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya taasi oo ka caawin doonta baa la yiri in ciidanku ay la socdaan dhaq dhaqaaqa dadka Amni darada wada iyo kuwa caadiga ah”.

“Waxaan rumeysanahay in qorshahaan uu yahay saldhig lagu xalin karo waxyaabo badan oo dhinaca Amniga ah,waxaan rajeynaynaa in lasoo dhameystiro dhisida darbigaan ka hor inta uusan dhamaan Sanadkaan,sidaa waxa ka sheegay Hool shirarka lagu qabto oo ku yaalla Deegaanka Lamu Gudoomiyaha Deegaankaasi”.

Lamu ayaa waxa Bilihii June iyo July Sanadkii Hore 2014-tii weeraro Al Shabaab ka geysteen waxa lagu dilay ka ka badan 90 qof oo Kenyaan ahaa wixii xilligaasi ka dambeeyana Lamu oo aheyd meel dalxiiska loo tagi jiray ayaa noqotay meel laga cabsado.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.