Howlgal ka Socda wadada Aada Buuraha Gal gala

270

Ciidanka-PuntlandCiidamaada Amaanka Puntland ayaa waxay Xalay ilaa Saaka ka sameynayaan Wadada Xiriirisa Boosaaso iyo Buuraha Gal gala,waxaana howlgalka uu yahay mid aad u ballaaran.

Howlgalka ayaa waxa la sheegay in lagu xaqiijinayo Amaanka kadib maalmihii lasoo dhaafay oo weeraro ka dhacayeen wadadaasi.

Ciidanka Puntland ayaa howlgalka saraakiisha hogaamineysa waxay sheegeen in Al Shabaab ay ka sifeynayaan deegaanadaasi si bey yiraahdeen ay ujoojiyaan weerarada maalmahan dambe kusoo laab laabtay halkaasi.

Ciidanka Ururka Al Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday Fariisimo ciidanka Puntland ku leeyihiin Agagaarka Gal gala.