Dhageyso: Jabuuti “Al Shabaab Hanjabaadooda ma suurta galeyso”

213

geeleDhawaan muuqaal ay soo saareen Kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayey ku hanjabeen inay weerarayaan Dukaamada ganacsi ee ku yaalla dalalka Ingiriiska,Mareykanka iyo Canada.

Warkaasi ayaa cabsi waxa uu ku abuuray Shacabka dalalkaasi iyadoona heegan la geliyey ciidamada Amaanka Waddamadaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Cusmaaciil Cumar Geelle ayaa wareysi uu siiyey Idaacada VOA-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay inaysan suurta geli doonin hanjabaada ay Shabaab soo direen.

Waxa uu tibaaxay in awoodoodii Shabaab la waqiiqay inay weerarto iska dhaafe dalal reer galbeed ah aysan weerari karin dalalka qaarkood ee Qaarada Africa.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYANAHA DALKA JABUUTI CUSMAACIIL CUMAR GEELE