Dhageyso: Dabkii Shalay oo Shan Kun Fuusto ku baaba’day

344

416Dab khasaaro badan geystay ayaa waxa uu shalay ka kacay Suuq Shidaalka lagu iibiyo oo ku yaalla Degmada Howlwadaag gaar ahaan Isgoyska Blacksea ee Magaalada Muqdisho.

Dabkaasi ayaa waxa ku bas beelay in ku dhaw Shan Kun Fuusto oo Shidaal ahaa sida ay sheegeen dadkii ganacsatada ahaa.

Wariyaha Idaacada Asal ee Magaalada Muqdisho Cali Aadan Muumin (Cali Aloore) ayaa soo sheegaya in xaaladu ay saaka tahay mid caadi kusoo laabatay inkastoo weli la dareemayo raad reebka dabkii shalay ka kacay halkaasi.

Waxay Ganacsatada ku ceyrtoobay dabkaasi ay codsadeen in lasoo caawiyo maadaama ay hanti badan kaga gubatay dabkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN UU CALI ALOORE KASOO DIRAY MUQDISHO

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.