Wafdi ka socda Dalka Turkiga oo gaaray Kismaayo

270

Waxaa diyaarad ay la socdeen Wafdi ka socday Dalka Turkiga ay gaareen maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Weli si faah faahsan uma helin ujeedka Wafdigaasi utageen Kismaayo iyo hay’ada ay ka socdaan intuba.

Wariye Mascuud Cabdullaahi Aadan oo Radio Asal uga soo warama deegaanada Jubbooyinka ayaa soo wariyey inay wafdiga kusugan yihiin Hoolka Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Waxa la filayaa in wafdigaan ay la kulmaan Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Wixii kasoo kordho wafdigaan tagey Kismaayo dib kala socda insha allah

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.