Jarmalka oo Kenya ka Caawinaya la dagaalanka Al Shabaab

263

5_0Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jarmalka Walter-Frank Steinmeier ayaa waxa uu sheegay inay ka caawinayaan Hay’adaha Dalka Kenya sugida Amniga.

Waxa uu kulan kula qaatay Magaalada Nairobi Dhigiisa dalka Kenya Haweeneyda la yiraahdo Aamina Maxamed waxaana dawlada Jarmalka ay sheegtay inay dhinaca la dagaalanka Argagaxisada ka caawinayaan Kenya.

“Amnigeena waxaa hoos udhigay falalka argagaxisada ka geystaan Dalkeena,waxaan ubaahanahay tababar dhinaca ciidanka ah oo Jarmalka nasiiyaan,si dhaqaalaheena sii laciifaya dib loo soo celiyo ayey tiri Aamina Maxamed”.

Shalay Axadii oo labada Wasiir ay kulan ku yeesheen Caasimada Kenya ee Nairobi ayey isla soo hadal qaadeen dagaalada ka dhacaya Dalalka Somaliya iyo K/Sudan oo dadka badan ay ku la’anayaan.

Jarmalka ayaa ka mid ah Dalalka Reer Galbeedka ee sida weyn utaageera Dawlada Kenya,waxaana Kenya magaalooyin katirsan ka dhacayey Sanadihii udambeeyey weeraro Argagaxiso oo Shabaabka Somaliya ka dagaalama ka fulinayeen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.