Dhageyso: Madaxweyne Xasan “Hantidii baaba’day inagaa bixineyna”

251

madaxweyne_xasan_baydhabo16xasanMadaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay inay wax laga xumaado tahay dagaal beeleedka kusoo laab laabtay Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan.

Xasan Shiikh waxa uu sheegay inay dhexda uxiranayaan sidii loo bixin lahaa dagaalkii dhacay wixii hanti ku baaba’day hase ahaatee waxa uu ka codsaday dadka Gobolka Hiiraan inay ka shaqeyaan dib inaan loo soo celin dagaal dambe oo dhaco.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inay la yaaban yihiin waxa kusoo cel celiyey dagaal beeleedka ka dhacayey Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah dadka Siyaasiyiinta ah ayaa dhaliisan qaabka uu uga hadlay Dagaal beeleedka ka dhacay Gobolka Hiiraan iyo sida uu uga hadlay Dagaaladii ka dhacay Gobollada G/gaduud,Sh/Dhexe iyo Shabellaha Hoose.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA DALKA XASAN SHIIKH MAXAMUUD

1 COMMENT

  1. waxaa ummada soomaaliyeed la haray siyaasiyiin isku sheega fadhi ku dirirka ah ee ineey wadan wax u qabtaan daaye xitaa reerahoodi dayacay, horaase loo yiri tiisaba daryeelaa tu kale ku dara.

    madaxweynaha waxaan leenahay waxaa ku ayidsan qofkastoo wadani dhab ah ee hore u soco hana u aabe yeelin fadhiku dirirka wax qanciyo la heli maayo,siyaasi dhab ahna waxaa la yiraa kuwa yaqaana wadankooda iyo shacabkooda maslaxadiisa,

    illaaheey umada isdirirsan nabad ha dhaxdhigo horumar iyo nabadna allaha nagu irsaaqo.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.