DEG DEG: Qarax Xoogan ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

214

Warar goor dhaweyd oo barqadii ah naga soo gaaray Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in qarax xoogan laga maqlay Deegaanka Muuri ee Gobolkaasi.

Qaraxa waxa loo maleynayaa inuu yahay Miinada dhulka la geliyo waxaana lala Eegtay gaari ay la socdeen ciidan katirsan Dawlada Soomaaliya.

Wariyaha Idaacada Asal uga soo waramaya Gobolka Sh/Hoose Maxamed Cabdi Xasan (Afgooye) ayaa soo sheegaya in khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu qaraxa geystay inkastoo weli faah faahino badan aan la heynin.

Weli ma jirto cid sheegatay qaraxaasi iyo maamulka Gobolka Sh/Hoose oo ka hadlay Qaraxaasi intuba.

Wixii kasoo kordho qaraxaasi dib kala socda insha allah