VIDEO: Kooxda Juventus oo loo diiday inay Guul gaarto

479

juventus-sassuolo_5iz1zqcqvb711jkw46uthybp8 (1)

Naadiga Sassuolo ayaa garoonkeeda waxay ku marti gelisay Juventus kulan katirsan Horyaalka Dalka Talyaaniga waxaana uu ahaa kulankaasi mid aad la isku karbaashay macnaha aad ciyaar xiiso badan loo soo bandhigay.

Goolka oo looga horeeyey Juventus waxa si caaqibo leh uga dhaliyey ninka ay amaahda isaga soo fasaxday ee la yiraahdo Simone Zaza waxaana uu dhaliyey daqiiqadii 13aad ee ciyaarta sidaana Kooxda Sassuolo 1-0 hogaanka ku qabatay.

Daqiiqadii 19aad lix daqiiqo kadib ayaa gool uu kasoo shaqeeyey Carlos Tevez waxa si qurux badan udhaliyey ciyaartana ka dhigay 1-1 laacibka faransiiska udhashay ee Paul Pogba.

Ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah oo Sassuolo iyo Juventus ay isku mari waayeen waxaana hogaanka hal dhibic hadda ku heysa Juventus iyadoo Roma ay kaalinta labaad kusoo jirto.

 

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAAL AHAAN GOOLASHII LA KALA DHALIYEY

 

 

1 COMMENT

  1. it wont obviously has no idea of the soeccr culture or demographics here. Lets see Real Madrid in a predominantly Latin American demographic. Thats like saying Guinness wont be drank in Boston.This is a great jump to the Soccer specific stadium that just got approved in Hederson Nevada.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.