Saxaafada Somaliya oo Maalin Madow u ah Maanta

362

11 August Sanadkii 2007 xilli barqadii ah ayeey koox ku hubeysnayd bastoolado waxaa ay dil u geysteen Alla ha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi oo ahaa agaasimihii Idaacaddii Capital Voice ee Shirkaddii war-baahinta Hornafrik ee Magaaladda Muqdisho.

Mahad ayaa xilligaasi marayay afaafka hore ee Xaruntii Hornafrik waxaana uu u geeriyooday dhaawac xun oo kasoogaaray weerarkaasi qorsheysnaa.

Islamaalintaasi markii laga soo laabtay aaskii Marxuum Mahad ayaa misna dil loogeystay Agaasimihii Shirkadii Hornafrik Cali Iimaan Sharmaake oo isagoo saran gaarigiisa miino dhulka loogu xiray.

Maalintaasi Habeenkeedii waxaa sidoo kale meyd ahaan looga tagay Wariye C/xakiin Cumar Jimcaale oo dhawicii soogaaray kuwaayay midkamid ah gacmihiisa.

Haddaba inagoo dhowr Wariye kala sheekeysandoona sida maalintaasi wax u dhaceen Ayaan misna iminka idin soogudbineynaa Taariikh Nololeedkii Alla ha u naxariistee Cali Iimaan Iyo Mahad Axmed waana barnaamij ka baxay TV-ga iyo Idaacaddii Hornafrik, Waxaa si talantaali ah uwada jeedinayay Wariyayaashii Hornafrik Maxamed Cabdullahi Siidii Iyo Maxamed Ibraahim Ruush.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAAL LAGA SAMEEYEY TAARIIKHDA MARXUUMIINTA MAHAD IYO CALI IIMAAN

XIGASHO-WARIYAHA.COM