Xawo Taako oo Qalab Isbooorti Guddoonsiisay Kubadda Kolayga Sawiro

599

Xaflad balaaran  oo qalab isboorti lagu gudoonsiinaayo kooxaha kubadda kolayga  Xiriirka u diiwaan gashan Degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsn gobolada  dalka  oo ka dhacday baarka Liido ee Magaalada muqdisho.

Qalabkan ayaa isugu  jiray kubado iyo  funaanaddo  isku joog ah waxaaana ugu soo talo gashay   Marwo  Xaawo  shiikh Axmed (Xawo Taako oo ka mid  ah gudoomiye ku xigeenada XSKK kolayga  isla markaan ahayd ciyaartoydii hore ee  Xulka qaranka iyo kooxda Jeenyo, waxaana goobjoog u ahaa dhamaan wakiilada kooxaha xiririka u diiwan gashan oo dhan 13 kooxood,  wakiilada ciyaaraha Degmooyinka Gobolka banaadir , Wakiilo ka socday gobolada qaar,Jaamacada Plasma  iyo Iskool Jabuuti.

Xaawo Taako oo  halkaa ka hadashay ayaa   sheegtay in ay tani tahay bilow “waxaana u sheegayaa dadka kale ee walaalahey  in dadka ay ka soo jeedaan  gobolo iyo degmooyin  waxayna ila tahay in waxa wanaagsan laysaga maseero oo wanaaga loo wada dhaqaaqo.

“Xaawo taako ayaa dhanka kale  xustay  in dhaqaalaha ay qalabkan ku soo gaday ay garab ku siiyeen qoyskeeda  oo ugu horeeyo seygeeda Cusmaan  Shiis oo Laacib heer qaraan ahaa,  Caruurteeda iyo dad Jecel hormarka kubada kolayga waxayna sheegaty in ay u taagan  doonto hormarka kubada kolayga haddii ay xiriirka ka mid tahay iyo haddii aysan ka kamid ahaynba qorshaheeda xigana uu noqon doono  sidii gobolada iyo iskuulada dalka dhan qalab loo gaarsiin lahaa.

Xildhibaanad Ubax Tahlii  Warsame oo ka mid ahayd  marti sharafti ka soo qayb gashay xaflada  sidoo kale ka mid ahayd bahdi hore isboortiga ayaa uga  mahad celisay  Xaawo  Taako Dadaalkii ay samaysay  waxay intaa ku dartay in talaabadan ay tahay talaabo dhiira gelin u samaynaysa gabdhaha  Soomaaliyeed  waxayna balan qaaday in ay u istaagi doonaan sidii  talaabda xigta ay u qaadi lahaayeen  markastana ay caawin doonto isboortiga Soomaaliyeed.

Cabdulaahi Bashiir kuwaataro. Xoghayaha guud  Naadiga Dekedaha oo ku hadlayay  Magaca Kooxaha kubadda kolayga ayaa tilmaamay in xaawo taago ay talaabo geesinimo qaday  waxuuna sheegay in aysan wali arkin cid u keenta kubadda ka badan  100 xabo iyo funaanado isku joog ah oo sidaa u badan “Kuwaataro ayaa dhank kale u mahad celiyay  Macalin Shiikha tababarkii qaaliga ahaa uu siiyay kooxaha kubadda kolayga waxuuna intaa ku daray in  kooxaha Kubadda kolayga ay markasta xusuusan doonaan cid kasta oo waxqbad muuqda la timaada garabna siisa.

“Dhanka  kale Wakiilada isboortiga  Degmooyinka gobolka Banaadir  gobolada , islkuul Jabuuti  iyo Jaamacada Plasma  ayaa dhamaan u mahad celiyay  Xaawo shiikh Axmed ( Xaawo taako.)  waxayna sheegen inay kubadaha meel iska dhigan doonin oo ay caruurta ku wax na kubari doonaan kana soo saari doonaan ciyaartoy heer qaran matasha mustaqbalka”.  Ugu danbayn Xawwo taako ayaa la gudoonsiiyay bilad sharaf  ay ugu talo galeen ururka haweenka isboortiga iyo nabadaynta qaranka soomaliyed iyo ururuka nabadaynta qaranka soomaaliyeed  doorki ay ku lahayn hormarka isbortiga dalka.

1 2 3 4 6 7 8 Ababanuur oo qalabka gudoonsiinaya Abanuur  oo kubado  gudoonsiinaya Xabiib Anwar tababaraha Dekedaha baasaale oo ka hadlaaya xaflada Cabdulaahi bashiir Kuwaataro cabdulaahiaay ooqlaab gudoomaya Cali Jimaale jiidhaan  oo kubado gudoonsiinaya degmada kaxda fadhiga xaflada Macalin Abaarioo qalabka gudoomaya Macalin anwar o xaflada ka hadlaya Macalin anwar ooxawao taako qalabka ka gudoomaya Macalin cusmaan axmed Amir oo qalabka gudoomaya Macalin nation link oo qalabka gudoomaya Macalin yaash qalabka gudoomaya Marti sharafta Xildhibaada UBax tahaliil iyo madaxda Ururada haweennka milkaalayaahsa kooxaha iyo degooyinka Muna xsan photonguuub qalablka SaciidMaxmedshiikh oo qalab gudomaya Sahro socdaal xaawo  oo nacalin baadari qalabka gu doonsiinaysa Xaawo oo qabal  gudoonsiinaysa Macalinka Heegan CabdiCali Axmed xaawo taako iyo Xildhibaanad ubax Xaawo taako koob gudoomaysa Xaawo Taako oo cabdi Axmed Culusow qalab  gudoonsiinaysa Xaawo taako oo cali hilowle qalabka gudoonsiinaysa Xaawo taako oo Jaamcadda Plasma qalab gudoonsiinaysa Xaawo taako oo Macalin anwar qalab gudoonsiinaysa Xaawo taako oo qalbka gu doosiinaysa Muna Xasan_1 Xaawo taako oo Wakiilka Degnad kaaraan qalabka siinaysa Xaawo taako_1 Xaawo tako oo bilad gu doomaysa xaawo tyaako Xaawontaako Nuur esstrao gud.Deg.yaaqshiid qalabka siinaysa Xaawotaako cabdi acli iyo abanuur xaawotaako oo qalabka ghudoonsiinaysa  gud.isboortiga Degmnadawaaberi Xaawotaako oowakilka hiiraan Muna  xasan qalbka gudoonsiinaysa xaawotako oo Wakiilka Degmada X.jajab faay aways qalaka gudoonsiinaysa_1 Xaawotako qalabka gudoonsiinaya Macalin yaash xaunta ay xaflada ka dhacaysay xawo taako ciyaartoydi hoe kubadda kolayga iyo ururada haweenka xawo taako Xildhibaanad ubax Basaale iyo Xaawo taako

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.