Ciidamo ka goostay Khaatumo oo ku biiray Somaliland

447

Ilaa iyo 13 Tikniko iyo Askar lagu sheegay ineey gaarayaan 500 oo ka goostay maamulka Khaatumo State ayaa maanta ku biiray Ciidamada Maamulka Somaliland.

Madax dhaqameedka deegaankaasi Fiqi fuliye ee koonfurta Sanaag iyo xukuumadda Somaliland, ayaa heshiish ku gaadhay inay ku soo biiraan Somaliland, isla markaana ciidankii iska soo horjeeday la isku daro si nabadgalyada deegaanka looga shaqeeyo.

“Wadahadal iyo isku soo dhowaansho iyo in la isku caqli celiyo ayaanu wadnay, waxaana heshiish isku afgaranay waxgaradkii iyo madax dhaqameedkiii deegaanka Fiqi Fuliye, halkaasi oo aanu ku heshiinay in laga shaqeeyo nabadgalyada deegaanka”ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse oo ka waramayey ciidamadan ku soo biiray, waxaanu intaas ku daray “ Ciidankani waxa uu ka kooban yahay shan boqol oo askari iyo 13 tikniko ah iyo lix baabuur oo xamuul ah, horena waxay ka soo horjeedeen ciidanka Milatariga, imikana waxay isku noqdeen hal ciidan”

Taliyihii iyo abaanduulihii ciidanka Khaatumo ee ku soo biiray Somaliland oo meesha ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ciidanka Somaliland ee ay ku soo biireen, waxaanay sheegeen inay ka shaqayn doonaan nabadgalyada deegaanka si horumar looga gaadho khilaafaadka deegaanka ka jira.

Maamulada khaatumo iyo Somaliland ayaa horay waxaa uga dhaxeeyay dagaalo soo noq noqday kaasoo ku saabsan gacan ku haynta deegaanada Sool, iyo Ceynaba.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.