Kooxda Soomaaliya oo ka hartay tartanka Zone Five

34

Kooxda Soomaaliya ee kubadda kolayga ayaa xaley ka hartay tartanka dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika kaddib markii ay guul daro kala kulantay kooxda Rwanda.

Ciyaarta oo ahayd semi-final ama wareega afaraad isreebreebka tartanka ayaa loga badiyay 86-dhibcood  halka ay heshay 83-dhibcood.

kooxda Soomaaliya ayaa looga badiyay seddax dhibac uun, dedaal wayn ayeena sameeyeen

Ciyaarta labada xul ayaa tii soo badisa waxay ugu gudbeysay ciyaarta kama dambeysta ah.

Guul-darrada Soomaaliya ayaa ka dhigan in ay ka hartay ciyaaraha, Rwanda waxay u gudubtay finalka.

Ciyaartooda Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay ka yimaadeen waddamada Maraykanka, Canada, Australia iyo Soomaaliya

Xulka Soomaaliya ayaa horre uga soo badiyay  xulalka Burundi iyo Kenya.waxana ay u qalmeen xulka Soomaaliya in ay guul gaaraan laakin nasiibka ayaa ka badiyay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com