Dagaalo Kadhacay Duleedka Laas-caanood

70

Wararka ka’imaanaya magaalada Laas-caanood, ayaa sheegaya in habeenkii xalay ay halkaas ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan maamulada Somaliland iyo Khaatumo State, dagaalkan ayaa kadhacay meel duleedka ka ah magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saacadu markeey ahayd 8:45 ay mar qura maqleen hugunka madaafiicda iyo rasaasta yar yar, waxaana dhamaan dadku ay ahaayeen kuwo anfariirsan lana yaaban sida wax usocdaan iyo waxa is dagaalaya.

Lama soo sheegin wax qasaaro ah oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dadka rayidka ah, maadaama xiliga dagaalka uu dhacay uu ahaa xili habeen ah, lama ogaan karo xaqiiqda rasmiga ah iyo dhibaatada kadhalatay.

Bilihii ugu danbeeyay ayaa waxaa jirtay in maamulada Somaliland iyo Khaatumo State ay dhowr mar ku dagaalameen gobolka Sool, iyagoona isku haya gacan ku haynta gobolkaas, sidoo kale afar habeen ka hor ayaa iyadana la weeraray tuulada Ganbadhe oo 30-km ka xigta degmada Laas-caanood dhinaca bariga.